WARARKA SOOMAALI

Maxay ka wada hadleen Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo James Swan?

By xuseen waashitoon

May 22, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulan la qaatay Wakiilka Xog-hayaha Guud Qaramada Midoobay u qaablisan arrimaha Soomaaliya Amb. James Swan.

Guddoomiyaha iyo danjiraha ayaa waxay ka wada hadleen is bedelka hogaamineed ee dalka uu yeeshay iyo sidii loo horumarin lahaa hanaanka dowladnimo ee dalkenna.

Danjire James Swan ayaa Guddoomiyaha Golaha shacabka ku bogaadiyay dooraashadii sida dimuquraadiyada aheyd ee ay ku dhacday taas noqatay mid lagu wada qanacsanaa natiijada ka soo baxday.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo danjiraha ku boggaadiyey taageeridda iyo garab istaaga Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka ayaa ku tilmaamay mid muhiim u ah hannaanka geeddi socodka dalka uu hiigsanaayo.