WARARKA SOOMAALI

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo loo dhaariyey Xildhibaan aan dhicin

By xuseen waashitoon

August 21, 2022

Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ka socda kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, waxaana kulanka hortegay Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Maxamed Farmaajo.

Kulanka ayaa waxaa ajendihiisu yahay doorashada Guddoomiyaasha Guddiyada joogtada Golaha shacabka iyo dhaarinta Madaxweynihii hore ee dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka ayaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ahaa Madaxweynihii hore ee dowladda u dhaariyay inuu noqdo Xildhibaan Abadiya ah ah oo ku noqonaya Golaha Shacabka 277, isaga iyo Madaxweynaha xilligan Xasan Sheekh Maxamuud oo la dhaariyay sanadkii 2017.

Qodobka 64aad farqadiisa 4 ee Dastuurka KMG ayaa waxaa uu dhigayaa in qof kasta oo noqda Madaxweynaha JFS marka uu xilka banneeyo inuu noqonayo Xildhibaan Golaha Shacabka inta uu nool yahay haddii aan xil ka qaadis lagu sameyn, iyadoo muddadii Xil heyntiisa dhammaa…