Site icon HORUFADHI MEDIA |

Maxaadan ogeyn oo Maanta ka dhacaya Garoowe iyo Deni oo la filayo?…

Kal-fadhiga 48-aad ee Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta oo talaado ah waxaa lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, kadib markii uu dhammaaday kal-fadhigii hore.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa la filayaa in uu kulanka ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo intii ay qabatay Xukuumadiisa tan iyo markii la doortay iyo waxyaabaha haatan u qorsheeysan.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa in uu ka hadlo xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo shirkii madasha wadatashiga doorashooyinka ee uu uga qeyb galay magaalada muqdisho, kaas oo heshiis lagu garay.

Xildhibaannada Golaha Wakiilada Maamulka Puntland ayaa waxaa haatan horyaalla Ajandayaal dhowr ah oo ay kamid yihiin, doorashada Xubnaha Aqalka sare ee dowladda Soomaliya iyo ka doodista heshiiska horumarinta dekedda Boosaaso ee DP World & kuwo kale.

Exit mobile version