WARARKA SOOMAALI

Maxaa looga hadlay kulan dhexmaray Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Lafta-gareen?

By xuseen waashitoon

November 20, 2021

Madaxweynaha dowad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka kulan kula qaatay Madaxweynihii hore dalka Sheekh Shariif Sh Axmed

Kulanka Madaxweyne Lafta-gareen iyo Sheekh Shariif oo qaatay saacado ayaa waxaa ay iska xog-waraysteen xaaladda dalka hormarka laga gaaray Arrimaha Doorashooyinka gaar ahaana doorashada Golaha Shacabka  iyo sida hore loogu socon lahaa.

Madaxweynihii hore dalka Shariif Shekh Axmed ayaa Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ku bogaadiyey dadaalka uu ugu jiro sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho wada ogol ah horena loogu socon lahaa.

Kulanka dhexmaray Lafta-gareen iyo Shariifka ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo xalay Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ay shaaciyeen Liiska kuraasta ugu horreeysa ee Golaha Shacabka, kuwaasi oo gaarayey 11-ka kursi.

Sheekh Shariif ayaa kulamo siyaasadeed ka wada Magaalada Muqdisho, waxaana habeeno kahor uu kulan la qaatay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, iyagoo ka wada hadlay doorashada dalka.