WARARKA SOOMAALI

Maxaa looga hadlay kulan dhexmaray MW Xasan & Safiirka Mareykanka ee QM?

By xuseen waashitoon

December 14, 2022

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Shir-madaxeedka Iskaashiga Afrika iyo Mareykanka ayaa kulan doceed la qaatay Safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobey Marwo Linda Greenfield.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjire Linda guulaha laga soo hoyey dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, waxa uuna tilmaamay saameynta cuna-qabateynta dhanka hubka ee saaran Soomaaliya, isagoo sheegay in si naf hurnimo leh ay ciidamada Soomaaliyeed ku xoreeyeen gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xusay doorka geesinimada leh iyo garab istaagga Ciidamada Qalabka Sida ee ay muujiyeen bulshada deegaannada la xoreeyey ayaa dul istaagay xaaladda nololeed ee adag ee ka jirta degmooyinka iyo deegaannada laga saaray Al-shabaab, kuwaas oo burburiyey kaabeyaasha nolosha iyo adeegyadii dadweynaha ee ka jiray deegaannadaas.

Madaxweynaha ayaa ka rajeeyey diblumaasiyadda Maraykanka in ay codkooda Golaha Ammaanka iyo Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ay ku xoojiyaan qorsheyaasha dib u dhiska ciidamada Soomaaliya, qaadista cunaqabateynta hubka, ka hortagga isbeddelka cimilada iyo dib u dhiska deegaannada laga xoreeyey Alshabaab.