WARARKA SOOMAALI

Maxaa looga hadlay ku dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo MW Geelle?

By xuseen waashitoon

December 07, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar ku jooga dalka Jabuuti ayaa Qasriga Madaxtooyada dalkaasi kula kulmay dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la wadaagay dhiggiisa Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle guulaha ay ciidamada Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, xasillinta dalka iyo adkeynta dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay nafhurnimada iyo garab istaagga walaalnimo ee ay dowladda Jabuuti, gaar ahaan ciidamada Hiil walaal u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, xilliga adag ee uu socda howgalka dib u xoreynta dalka.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geello oo bogaadiyay natiijooyinka wanaagsan ee laga gaaray dagaalka Khawaarijta ayaa xusay in dowladda Jabuuti ay sii wadidoonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya si looga adkaado Al-shabaab.