WARARKA SOOMAALI

Maxaa ka jira in Ra’iisul Wasaare Rooble uu wadahadal la galayo Ahlusunna Waljamaaca?

By xuseen waashitoon

November 16, 2021

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uusan Dhuusamareeb u tegin inuu wadahadal la galo Ahlusunna Waljamaaca.

Al-Cadaala ayaa tilmaamay in socdaalka Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ay la xiriirto sidii uu u kuurgeli lahaa xaaladda ka jirta Galmudug iyo wadatashi ku saabsan xaaladda Dalka iyo dardargalinta arrimaha doorashooyinka.

Wasiir Cadaala ayaa xusay in Ra’iisul Wasaaraha dalka uu sidoo kale Madaxda Galmudug kala hadli doono arrimaha Ammaanka, maadaama uu dalku ku guda jira marxalad doorasho.

Warar saacadihii dambe soo baxay oo la isla dhexmarayey baraha bulshada ayaa sheegayey in Rooble oo shalay gaaray Dhuusamareeb uu wadahadal la galayo kooxda hubeysan ee  Ahlusunna oo fadhigeedu yahay degaanka Bohol.