WARARKA SOOMAALI

Maxaa ka jira in Go’aankii hubka looga joojiyey Garoonka uu ku wajahan yahay Musharaxiinta?

By Xuseen Post

January 04, 2021

Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay sababaha keenay Go’aanka lagu mamnuucay in Mas’uuliyiinta ay ciidan hubeysan la galaan Garoonka diyaaradaha Aadan-cadde ee Magaalada Muqdisho.

Maareeyaha Garoonka diyaaradaha Muqdisho Cabdi Ashkir Jaamac ayaa sheegay iney iyagu dalbadeen in dadka mas’uuliyiinta ah aysan hubka la soo gelin gudaha garoonka.

“Amniga Garoonka Aadan-cadde waa mid la isku haleyn karo, sababaha aanu u dalbanay inaan hub lala soo gelina waxay tahay in Gudaha Garoonka markii ay mas’uuliyiin ka duulayaan ama kasoo degayaan ay ku arkaan ciidamo isbarbar yaacaya oo wata hub fara badan, taasoo sababi karta amni darro” ayuu yiri Maareeyaha

Mar wax laga weydiiyey in go’aankan uu yahay mid siyaasadeed oo loola dan leeyahay Midowga Musharixiinta & xubnaha Mucaaradka ayuu sheegay inaysan jirin dad si gaar ah loogu takoorayo, balse ujeedada kaliya ee laga leeyahay ay tahay sugida amniga.

Sanadkii 2016-kii xilligii dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu sheegay in la soo saaray go’aan kan la mid ah, arintana ay taas la mid tahay, wuxuuna sheegay iney qalad tahay siyaasadeynta arrimaha amniga.

C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo kamid ah Musharaxiinta Madaxeeynaha ayaa waxaa uu sheegay in Go’aankii lagu mamnuucay in ilaalada Mas’uuliyiinta hubka la galaan Garoonka Aadan Cadde ay kasoo horjeedan, isla markaana arrintaas lagu beegsanayo Musharaxiinta.