HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo Maxakamad lasoo taagay-Video

Muqdisho (HM)-Maxkamada gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka bilowday dhageysiga dacwadaha loo heysto 10 ruux oo kamid ah shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka ee Soomaaliya.

Dadka maanta Maxkamada ka soo hormuuqday oo isugu jiro Agaasime waaxeedyo iyo Agaasimaha guud oo dhawaan uun xabsiga laga sii daayay, ayaa loo heystaa lunsashada xoolo dadweyne, iyadoo maalmihii danbe diyaarinta gal-dacwadeedkooda uu socday.

Gudoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir Cabdi khaddar Maxamed Xasan oo goob joog ka ahaa Maxkamada ayaa sheegay iney tahay fal foolxun in shaqaalaha dowladda lagu soo eedeeyo arrimo la xidhiidha musuq maasuq, halkii ay eheyd iney iyaga la dagaalaan musuqa.

Hay’adaha baadhista ayuu faray iney si adag ula socdaan oo ay baadhis dheeriyana ay ku sameeyaan shaqaalaha xafiisyada dowladda, iyadoo cidii musuq lagu helana aan loo sameyn doonin wax cafis ah, sida uu sheegay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxyaabaha dadkan loo heysto waxaa kamid ah musuq maasuq ay ku sameeyeen qaar kamid ah taageeradii caalamka intii dalkan la siinayay kaalmooyinka ay uga hor-tagayaan la dagaalanka xanuunka Covid19, waxaana suuqyada caasimadda lagu kala gadanayay qaar kamid ah agabkii Caronavirus.

Horufadhi News

Sawirada qaar kamid ah eedeysaneyaasha-Maanta
@Horufadhi News
Exit mobile version