WARARKA SOOMAALI

Masar iyo Suudan oo kulamo xasaasi ah ka leh muranka Biyo-xireenka ee…

By Xuseen Post

June 10, 2021

Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar, Samiix Shukri iyo Wasiirka Waraabka iyo Kheyraadka Biyaha, Maxamed Cabdi-Caadi ayaa gelinki dambe ee shalay socdaal hawleed ku tegeen caasimadda dalka Sudan ee Khartoum.

Wafdiga Masaarida waxay Madaxda dalka Sudan kala xaajoon doonaan Xiriirka iyo Danaha labadooda dal iyo Qoddobka Xasaasiga oo ku aadan Arrinta Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD oo ay u arkaan mid khatar ku saamigooda biyaha ee Webiga Nile.

Wasiirada Masaarida waxay si khaas ah ula kulmi 8doonaan Madaxa Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan, Jeneral C/Fataax Al-Burhaani, Ra’isul-wasaare Cabdalla Xamduuk iyo Wasiirada dhigooda ee dalka Sudan.

Galabta waxay Wafdiga Masaarida Kulan ballaaran la yeeshay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Sudan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibedda, Maryama Saadaq Al-Mahdi, Wasiirka Waraabka iyo Kheyraadka Biyaha, Yaasir Cabaas iyo xubno ka kala socday labada Waddan.

Khilaafka Dowladaha Masar, Sudan iyo Ethiopia waxa uu soo bilowday bishii May ee sanadkii 2011-kii, xilligaasi oo ay Ethiopia bilowday Dhismaha Biyo-xireenka GERD.