WARARKA SOOMAALI

Markab wada Shixnad Qamadi ah oo ku wajahan Kenya & Ukraine oo…

By xuseen waashitoon

December 21, 2022

Wasaaradda Kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka Ukraine ayaa maanta shaacisay in 4 Markab oo ay ku raran yihiin 129,000 tan oo Qamadi ah ka soo shiraacdeen dekedo ku yaalla Gobalka Odesa ee dalkaasi.

Qoraal uu adeega Warbaahinta ee Wasaaradda Kaabayaasha Ukraine soo dhigay Bartooda Facebook ayaa lagu xusay inay maraakiibtaasi u kala shiraacdeen dalal ku kala yaalla Qaaradaha Africa, Asia iyo Yurub.

Mid ka mid ah Maraakiibtaasi oo lagu magacaabo INCE ATLANTIC bulk carrier oo lagu soo raray 44,000 oo Tan waxa uu si khaas ah ugu soo wajahan yahay Dekedda Mombasa ee dalka Kenya.

Markabkaasi oo ka soo shiraacday deked ku taalla Gobalka Odesa ee dalka Ukraine ayaa waxaa uu yahay Markabkii Saddexaad oo wada Qamadiga Ukraine oo loo daabulay dalka Kenya.

Tan iyo bishii August 1-dii ee sanadkan, 569 Markab ayaa ka soo ambabaxay Dekedaha Gobalka Odesa ee dalkaasi, iyagoo waday Shixnado Qamadi oo dhan 14.3 million oo tonnes.