WARARKA SOOMAALI

Mareykanka oo si kulul ula hadlay Muuse Biixi xasuuqa ay ka geysteen Laascaanood

By xuseen waashitoon

February 23, 2023

Wafdi ka socda Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Maanta gaaray magaalada Hargeysa ee caasimadda Maamulka Somaliland, waxaana wafdiga hoggaaminayay safiir ku-xigeenka Mareykanka Amb. Tim Trenkle.

Safiir ku-xigeenka Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo kulankooda siweyn ugu wada hadlay Colaada Laascaanood iyo xasuuqa Somaliland u geysatay dadka magaaladaas.

Qoraal kooban oo Safaaradda Mareykanka kasoo saartay kulanka ayaa waxaa ay ku sheegtay in kulanka diirada lagu saaray dagaalka magaalada Laascaanood, iyada oo aan waxba la isku qarin oo Amb. Tim Trenkle si kulul ugula hadlay Muuse Biixi Cabdi.

Amb. Tim Trenkle ayaa u sheegay inay ka xun yihiin dadka lagu xasuuqay Laascaanood, isla markaana Madaxweynaha Somaliland u sheegay inuu joojiyo dagaalka iyo duqeymaha uu halkaas ka wado, si shuruud la’aan ah.

“Wada hadal aan waxba laysku qarin ayay dawladda Mareykanka la yeelatay Madaxweyne Biixi, waxaana laga hadlay dagaalka iyo nasiibdaradii dadkii ku dhintay dagaalka socda Laascaano, Dawladda Mareykanku waxay ku biiraysaa dalabka beesha Caalamka ee ku baaqaya xabad joojin deg deg ah oo sharuud la’aan ah, gargaarka aadanaha oo la hor is hor istaagin” ayaa lagu yiri Qoraalka Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Shalay ayey aheyd markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay cunaqabateyn kusoo rogeen xubno uu ku jiro Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kuwaasi oo ka danbeeyay dadkii shacabka ahaa ee lagu xasuuqay magaalada Laascaanood.