WARARKA SOOMAALI

Mareykanka oo shaaciyey in howlgal lagu dilay wiil uu dhalay Osama Bin Laden-Akhriso

By Abdi rashid

September 14, 2019

Muqdisho (HM)– Aqalka Cad ee looga armiyo Mareykanka ayaa xaqiijiyey geerida Xamsa, wiilka hogaamiyihii Al-Qaacida ee geeriyooday Osama bin Laden.

War-saxaafadeed soo baxay Sabtida maanta ah ayaa waxaa lagu sheegay in Xamsa lagu khaarijiyey howlgal qorsheysan oo aanan la fahfaahin goorta uu dhacay.

Bayaanka oo warbaahinta loo diray ayaa waxa uu intaasi ku daraya in howlgalku uu ka dhacay gobol u dhaxeeya wadamadda Afghanistan-Pakistan.

“Dhimashada Xamsa kaliya ma wiiqeyso muhiimada doorkiisa hogaamineed ee Al-Qaacida iyo xirfadiisa isku xirka ee aabihii,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Waxaa intaasi la raaciyey: “Balse, waxay kaloo hoosta ka xariiqeysaa ahmiyadda uu u lahaa howlgalada kooxdaasi argagixisadda ah”.

Bishii July ee sanadkan 2019-kii ayey ahayd markii telefishinka NBC uu sirdoonka Mareykanka kasoo xigtay dilka Xamsa, oo xubin firfircoon ahaa.

Xaqiijintan ayaa kusoo aadeysa saddex maalmood kadib sanad guuradii weeraradii daaraha mataanaha oo uu naqshadeeyay Osma bin Laden.

Dhacdadaasi ayaa galaafatay ku dhowaad saddex kun oo ruux. Osama ayay ciidamada Mareykanku ku khaarijiyeen Pakistan, bishii May 2011-kii.

Bishii Febraayo, dowladda Mareykanka ayaa Xamsa dul-dhigtay 1 milyan oo dollar, waxayna ku sifeysay “hogaamiyaha xiga ee Al-Qaacida iyo dhaxal-suge Jihaad”.