WARARKA SOOMAALI

Mareykanka oo Maraakiib iyo Diyaaradaha Dagaalka u diraya Israel

By xuseen waashitoon

October 09, 2023

Xoghayaha Difaaca Maraykanka, Lloyd Austin ayaa ku dhawaaqay arrintaasi shalay oo Axad ahayd, hal maalin kadib, markii ay Ururka XAMAAS bilaabeen Duullaanka loogu magac daray Duufaanta Al-Aqsa.

Waxa uu xusay inay waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon u dirayaan Maraakiib iyo Diyaarado Dagaal meel aad ugu dhow Xeebaha Dhulalka La-haysto ee Falastiin, si ay u taageeraan Gulufka Milliteriga Israel ka wadaan Marinka Qasa.

Xoghaye Lloyd Austin waxa la sheegay inuu amray inay Markabka Diyaarad-Xambaaraha ee The Aircraft carrier USS Gerald R. Ford, Markabka Gantaallada ee TUSS Normandy iyo tiro Maraakiibta wax burburiya u shiraacdaan Bariga badda Mediterranean Sea.

Sidoo kale, Xoghayaha Difaaca Maraykanka waxa kale oo uu amray in Diyaaradaha Dagaalka ee  U.S. Air Force F-35, F-15, F-16 iyo  A-10 ee ku sugan Mandiqadaasi, si ay u gaaf-wareegaan Bariga badda Mediterranean Sea.