WARARKA SOOMAALI

Mareykanka oo fuliyay Duqeyn lagu laayay xubno ka tirsan AS

By xuseen waashitoon

January 07, 2024

Taliska Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa habeenimadii xalay aheyd duqeymo dhanka cirka ah ku dilay in ka badan 20 dagaalem oo kamid ahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Qoraal uu soo saaray Taliska ciidanka xoogga ayaa lagu sheegay in duqeynta laga fuliyay meel u dhaw Deegaanka Jeex-jeex Ee Gobalka Mudug oo sida la tilmaamay Shabaab ay ka qoteen godad, waxayna sidoo kale ay isku ilaalinayeen dhul kayma ah.

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa la sheegay in aaga duqeynta ay ka dhacday ay dul-heehaabayeen diyaarado nooca aan duuliyaha laheyn, isla markaana waxaa la sheegay inay duqeeyay godadka xubnaha Shabaabka ay joogeen.

“Howlgalkii dagaal ee ka dhacay Mudug kooxda ah waxaa looga dilay in ka badan 50 ruux oo, waxaana laga weeraray dhulka iyo dusha sare. Taliska Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa Duqeymo dhanka cirka ah ku dilay 26 dagaalame oo mid ka mid ah uu ahaa sarkaal ” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Taliska xoogga dalka.

Warka kasoo baxay Taliska ayaa sidoo kale lagu sheegay duqeynta lagu Bur buriyay gaari noociisu yahay dheyno ah oo ay la socdeen saraakiil iyo dagaalamayaal kamid ah Al-Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee howlgalada culus ee shalay ilaa xalay ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah ka sameeyeen nawaaxiga deegaanka Jeex jeexa ayaa lagu dilay Abaanduulahii guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor Taliye Suulnuug oo hoggaaminaayay ciidanka dowladda.