WARARKA SOOMAALI

Mareykanka oo faragelinaya xiisada Madaxweynaha Puntland iyo Ciidanka PSF

By xuseen waashitoon

November 28, 2021

Warar lagu kalsoonaan oo la helayo ayaa sheegaya in todobaadkaan gudihiisa ay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland tegi doonaan Saraakiil sare oo ka tirsan Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM.

Saraakiisha AFRICOM ee tegaya Garoowe ayaa waxaa ay kulan la qaadan doonaan Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, iyagoona kala hadli doona xalinta xiisada u dhexeeysa Maamulka iyo Ciidanka PSF.

Ilo War-gal ah ayaa sidoo kale sheegay in Saraakiisha Ciidanka Mareykanka ay u gudbi doonaan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, isla markaana ay Saraakiisha PSF kala hadlayaa, sidii xal buuxa looga gaari khilaafka ka dhashay xilka qaadista Agaasimihii PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa weli ka taagan muranka ka dhashay xilka qaadista Agaasime Maxamuud Cismaan ee uu ku sameeyay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana Saraakiisha PSF ay sharci darro ku tilmaameen xilka qaadista Diyaano.