WARARKA SOOMAALI

Mareykanka oo Duqeyn uu ka fuliyey J/Hoose ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab

By xuseen waashitoon

July 19, 2022

Dowladda Mareykanka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay duqeyn diyaaradahooda dagaalka ka fuliyeen deegaan Labikuus oo dhaca Waqooyi Galbeed Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

Taliska ciidamadda Mareykanka ee Afrika war kasoo baxay ayaa lagu sheegay in duqeynta ay ka fuliyeen deegaanka Labikuus ku dileen labo sargaal oo ka tirsanaa Al-shabaab, kuwaa oo aysan Mareykanka faahfaahin magacyadooda.

Warka kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta aysan waxyeelo kasoo gaarin dad shacab ah, waxa ayna xuseen in kaliya lala helay bartilmaameedkii lala doonayay.

Maalmo kahor ayey aheyd markii Ciidanka kumaandooska DANAB ay howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen deegaanka duqeynta ka dhacday, isla markaana ku dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab.