WARARKA SOOMAALI

Mareykanka oo Duqeyn la beegsaday Xarun ay lahaayeen Al-Shabaab

By xuseen waashitoon

May 23, 2023

Taliska ciidamada Mareykanka qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa faah faahin kooban ka bixiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo ay laba maalin kahor ka fuliyeen gudaha Soomaaliya gaar ahaan degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraal ay AFRICOM ku baahisay barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in duqeynta oo dhacday 20-kii Maajo 2023 lagu bartilmaameedsaday Xarun weyn oo ay Al-Shabaab degmada Jilin, isla markaana la burburiyay Xarun oo ay ku sugnaayeen Shabaabka.

“AFRICOM oo kaashaneysa ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaaday weerar cirka ah oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya 20-kii Maajo, 2023,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka kasoo baxay AFRICOM.

Laguma sheegin War-saxaafadeedka goobaha rasmiga ah ee duqeynta lala beegsaday balse AFRICOM waxay sheegtay inaysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay weerarkan.

Dhinaca kale Warbaahinta dowladda Federaalka ayaa sheegtay in Weerarka lagu beegsaday bartilmaameedyo gaar ah uuna geystay Khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo xarumo la burburiyay.

Si kastaba, dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa xarumo waaweyn ku leh degmooyinka Gobolka Jubbada Dhexe, waxaana mararka qaarkood ay diyaaradaha Mareyanka duqeymo ka geystaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolkaas.