Muqdisho (HM)-Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah si gaara galabta goor dambe ayey Safaaraddu soo saartey qoraal ay kaga dalbanayso Madaxtooyada Soomaaliya inay si deg deg ah u qabato kulan ay la yeelato madaxda maamul gobaleedyada dalka.
“Safaaradda Mareykanka waxay ugu baaqeysaa Villa Soomaaliya inay qabato kulan ay isagu yeerayso dhamaan hogaamiyeyaasha maamullada Federaalka, si waafaqsan dastuurka Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi qoraal kooban oo Safaaradda soo gelisay barta ay ku leedahay Twitter-ka.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay inay muhiim tahay in si deg deg ah dib loogu soo celiyo wadashaqeyntii iyo iskaashigii labada dhinac, si heshiis loo dhan yahay looga gaadho nooca doorasho ee dalka ka dhici karta.
Washington ayaa hoosta ka xariiqday in “kala qeybsanaanta siyaasadeed ee Soomaaliya ay dhaawacayso hanaanka deyn-cafinta, sidoo kalena hagal-daacinayso dedaallada la dagaalanka COVID-19”.
Baaqa ayaa yimid markii uu fashilmay isku day uu Wakiilka UN-ka James Swan ku doonayay inuu shir isagu keeno madaxda dowlada iyo maamullada, iyadoo Koonfur Galbeed lagu eedeeyay mas’uuliyadda fashilkaas in kasta oo uu gashaanka u daruuray eedeyntaas isla markaana waxba kama jiraan ku tilmaamay iyo warar kutirakuten ah Lafta-gareen Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta ka degay Degmada Xudur.
Horufadhi News