WARARKA SOOMAALI

Mahdi Guuleed iyo Xildhibaano kale oo Maanta qaatay shahaadada Xildhibaanimo

By xuseen waashitoon

April 05, 2022

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta qaatay Shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mahdi Guuleed iyo Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Muuse Geelle Yuusuf ayaa ka wada hadlay dardar-gelinta Doorashada iyo ka dhabeynta Jadwalka Doorashada ee Guddiga FEIT.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa bogaadiyey shaqada baaxadda leh uu guddigu qabtay intii ay shaqadu socotay dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay.

Guud ahaan 163 xildhibaan ayaa qaadatay shahaadda xildhibaanimo ee labada gole BJFS sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka.

Waxaa maalintii afraad qaatay Shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 31 Xildhibaan oo ka mid ah Mudanayaasha Labada Gole BJFS. Hoos ka akhriso magacyadooda:

1. Abdirashid Mohamed Hidig GSH#072 2. Said Mohamed Ali GSH#093 3. Iftiin Hassan Iman (Baasto) AS#04 4. Sadak Omar Mohamed (Saadaq-Joon) GSH#248 5. Osman Ali Yusuf GSH#198 6. Abdullahi Sheikh Ismail AS#02 7. Muse Sudi Yalahow AS17 8. Abdihakim Moalim Ahmed AS#13 9. Qali Ali Shire GSH#060 10. Sadiq Abdullahi Abdi GSH#092 11. Maryan Farah Kahiye AS#08 12. Ahmed Mohamed Said AS#41 13. Mahdi Mohamed Gulaid 14. Mohamed Adam Dini GSH#036 15. Mohamed Ali Yusuf (Gaagaab) AS#50 16. Said Ali Muse GSH#027 17. Ismail Shire Jama GSH#142 18. Abdiqani Mohamud Mohamed GSH#075 19. Abdikani Gelle Mohamed AS#44 20. Abdullahi Farah Mire GSH#228 21. Abdullahi Mohamed Jama GSH#191 22. Abdullahi Ali Hersi (Timacadde) AS#53 23. Farhiya Yusuf Omar GSH#121 24. Mohamed Abdirahman Ahmed Ali GSH#128 25. Ali Haji Dahir Saleban Adam GSH#220 26. Khadra Ahmed Mohamed GSH#174 27. Sadam Mohamud Abdi (Jabeer) GSH#158 28. Abdirisak Hassan Ahmed (Dhookir) GSH#221 29. Ali Mahdi Mohamed GSH#169 30. Ainanshe Yusuf Hussein GSH#222 31. Mohamed Abdulkadir Mohamed GSH#190