Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Yemen ayaa xaqiijiyay in Kooxda Xuutiyiinta ay dileen Madaxweynihii Hore ee dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax.
Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha lagu dilay Isku dhacyo ka dhacay Magaalada Sanca Maanta.
Maalmihii lasoo dhaafay ayay ku dagaallamayeen Magaalada Sanca Cali Cabdalla Saalax iyo Kooxda Xuutiyiinta ah.