HORUFADHI MEDIA |

Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo geeriyooday-Akhriso

Nairobi ( HM) Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Puntland, iyo Hoggaamiyihii ururkii USP Maxamed Cabdi Xaashi ayaa  ku geeriyoodey magaalada Nairobi  ee Caasimadda dalka Kenya.

Alle ha u naxariisto Maxamed Cabdi Xaashi waxa uu ahaa madaxweynaha keliya ee Puntland yeelatay tan iyo intii la aasaasay ee ka soo jeeday gobolka Sool.

Dadka siyaasadda u dhuundaloola waxa ay ku tilmaamaan siyaasiga keli ah ee 30 cod ka helay wareeggii u danbeeyay ee doorashadii madaxtinimo ee Puntland 2005, isaga oo aan dhaqaale ku bixin, koox dabada ka riixaysa aan ku xidhnayn.

Sidoo kalana  aan kala badh cod ka helin xildhibaannadii ay isku beesha ahaayeen. Taas oo caddayn u ahayd Hogaamintiisii siyaasaddeed ee aan dib loo gu arag doorashooyinkii ka danbeeyay, Waxaana 35 cod ka ga guullaystay isaga na Eebbe ha u raxmado e Cadde Muuse Boqor.

Maxamed Cabdi Caashi wuxuu sidoo kale dhalay Siyaasiga  C.raxmaan Maxamed Cabdixaashi oo Xilal Wasiirnimo kasoo qabtay Xukuumadda Soomaaliya, sidoo kalana la filayo inuu u tartamo Madaxwaynaha Soomaaliya.

Innaalilaahi wa innaa ilayhi raajicuun.

Alle ha kitaabkiisa midigta haka siiyo janatul fardowsana ha geeyo aamin.

Exit mobile version