WARARKA SOOMAALI

Madaxweynihii dalka Srilanka oo dalkiisa diyaarad uga baxsaday, xilli ay weli…

By xuseen waashitoon

July 13, 2022

Afhayeen u hadlay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dalkaasi lagu soo rogay xaalad degdeg ah,kadib markii uu madaxweynihii dalkaasi u baxsaday Jasiiradda Maaldevis.

Shanuka Karunatne  ayaa intaa ku daray in bandow lagu soo rogay gobolka Galbeedka ee ay ku taallo caasimadda Colombo.

Dhinaca kale ,Ranil Wickremesinghe  oo ah Ra’iisul Wasaaraha dalka Srilanka ayaa  xaqiijiyay in uu baxsaday madaxweyne Gotabaya Rajapaksa oo maanta lagu waday in uu baneeyo ama ka dago xilka jagada madaxtinimo ee dalkaasi.

Rajapaksa, oo 73 jir ah, ayaa u baxay Maldives saacado ka hor xilli  la filayey in uu is casilo, iyada oo ay jiraan mudaaharaadyo baahsan oo ka dhashay sida uu u maareeyay dhibaato dhaqaale oo ba’an.

Dalka Sri Lanka waxaa soo food saartay shidaal yari ba’an iyo gaabis ku yimid sahayda kale ee muhiimka ah,waxayna u baahan tahay ama ay  raadinaysaa lacag badbaadin ah oo laga helo hey’adda Lacagta Adduunka.

Maalinimadii Sabtida ee la soo dhaafay waxaa dalka Srilanka ka dhacay mudaaharaad weyn oo sababay in la weeraro dhismaha ay degan yihiin nmadaxweynaha iyo r/wasaaraha dalkaasi. Maanta oo ah Arbaca waxaa lagu waday in uu xilka baneeyo madaxweyne Rajapaksa .