WARARKA SOOMAALI

Madaxweyneyaal Maamul Goboleed oo Maanta ku wajahan Baydhabo iyo ujeedka

By xuseen waashitoon

December 19, 2021

Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa kusii qul qulaya wufuud kala duwan, kuwaas oo ka qeyb galaya munaasabadda Saddex sano guuradii kasoo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen).

Shalay waxaa Magaalada Baydhabo tegay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Roible iyo qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulamo ka bilaabay Magaalada Baydjabo, waxaana uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed.

Maanta ayaa waxaa la filayaa in sidoo kale Magaalada Baydhabo ay tagaan Xubno ka socda labada Gole ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor

Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana waddooyinka waaweyn ee Magaaladaasi lagu arkayaa Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo Amniga xaqiijinaya.