WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaatay shahaadada sare ee culuumta Nabadda

By xuseen waashitoon

October 12, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo qaatay shahaadada sare ee culuumta Nabadda, Maamulka iyo Horumarka ayaa tilmaamay dadaalka dowladdu ku bixinayso hirgelinta waxbarasho tayo leh iyo fududeynta adeegyada la xiriira waxbarashada aas-aasiga ah.

Madaxweynaha ayaa xusay go’aanka dowladdu ee ku aaddan in ardayda Soomaaliyeed ee ka qalin jabisay dugsiyada sare laga dhaafo lacagta qaadashada shahaadada, iyadoo miisaaniyadda dowladda laga maalgelinayo xaqiijinta xuquuqdan aas-aasiga ah ee ay xaqa u leeyihiin ubadkeenna Soomaaliyeed.

Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo u mahadceliyey maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobey ayaa ku bogaadiyey Jaamacadaha gudaha dalka kobaca ay sameeyeen.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu  kula dardaarmay in ay waxbarashada heerka sare ay la kaashaadaan dhiggooda kaga horreeya caalamka.