WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta kusii jeeda dalka Turkiga & ujeedkiisa

By xuseen waashitoon

July 03, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu wadaa in ay u ambo baxaan dalka Turkiga, uu ka helay casuumad rasmi ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa marka uu gaaro dalka Turkiga in uu la kulmo Madaxweynaha dalkaasi Rajeb Dayib Erdogan iyo madax kale ayna kawada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa la filayaa in heshiisyo cusub ay gaaraan, waxaana muddooyinkiin lasoo dhaafay meel hoose gaaray xiriirkii xooganaa ee u dhaxeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh maanta ugu ambo baxayo dalka Turkiga ayaa noqonaya kii labaad uu dalka uga baxo tan iyo markii dib loo doortay 15-kii bishii May, waxaana Madaxweynaha safar maalmo badan qaatay ku tagay dalka Imaaraadka.