WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka

By xuseen waashitoon

June 14, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan Xarunta Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho kula la qaatay qaar ka mid ah danjireyaasha Soomaaliya u fadhiya dalalka caalamka,

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa danjireyaasha ku adkeeyey in ay sida ugu wanaagsan ugu adeegaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay matalaan, sida lagu shaaciyay Qoraal kasoo baxay Xarunta Madaxtooyada dalka.

Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyey xaaladaha ay ku shaqeeyaan Safaaradaha Soomaaliya ee dibadda iyo Jaaliyadaheenna ku dhaqan daafaha caalamka, waxayna xoojiyeen hiigsiga Madaxweynaha ee ku aaddan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Balal Maxamed Cismaan iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Maxamed Cali Nuur.