WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wasiiro ka socday M/Goboleedyada

By xuseen waashitoon

January 13, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka, Wasiirrada Maaliyadda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirada Maaliyadda ee Dawlad Goboleedyada.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey natiijooyinka ka soo baxay shirkii maalmihii la soo dhaafay uga socday Wasaarada Maaliyadda iyo Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada isagoo tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay sare u qaadidda nidaamyada maaliyeed ee dalka si wax looga bedelo nolosha dadka Soomaaliyeed, horumarna loo gaarsiiyo dalka.

Dhankooda, Wasiirada ayaa soo dhaweeyay howlgalada xoreynta deegannada dalka iyo horumarinta dadaalka loogu jiro horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Waxaa kulanka ka soo qeybgalay, Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Elmi Maxmuud Nuur, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Marwo Raaxo Maxamed Janaqoow, Farxaan Cali Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug, Xuseen Xirsi Axmed, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland, Axmed Maxamed Xuseen, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda K. Galbeed, Cali Cabdulle Nuur, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeelle, Ciise Maxamud Guure, Guddomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobalka Banaadir.