WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Puntland

By xuseen waashitoon

August 26, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada Magaalada Garoowe kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in kulanka Madaxweyne Xasan iyo Saciid looga hadlay qodobo dhowr ah oo kamid yihiin xoojinta xiriirka wadashaqeyn ee Maamulka Puntland kala dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa sidoo kale looga arrinsaday sidii loo xalin lahaa tabashooyinka uu Madaxweyn Saciid Cabdullaahi Deni ka qabo dowladda Federaalka, mana jirto faah faahin intaas ka badan oo kulankii ka dhacay Madaxtooyada Garoowe laga helay.

Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweyne Deni dhexmaray ayaan cid kalen ku wehlin, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan xubno ka tirsan dowladda oo doonayay kulanka inay ka qeyb galaan meesha laga saaray.

Si kastaba Madaxweynaha Puntland oo damac uga jiray xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in loo magacaabo ayaa saluugay magacaabista Xamse Barre oo kasoo jeeda Jubbaland, waxa ayna taasi keentay in khilaaf hoose soo kala dhax galo Dowladda iyo Puntland.