WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay Dagaal ka dhan ah Al-shabaab

By xuseen waashitoon

June 03, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey munaasabad soo dhaweyn ah oo ay ku maamuuseen madaxda iyo bulshada Galmudug ayaa ka warbixiyey mudnaanta uu siinayo daadejinta adeegyada dowladda, adkeynta dimuqraadiyadda dalka iyo dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee dib u dhigtay nolasha shacabka Soomaaliyeed ay tahay amni darrada iyo falalka arxan darrada ah ee ay soo maleegaan argagixisada Alshabaab, isagoo soo bandhigay sida shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooduba ay maanta ugu taagan yihiin in ay wadajir uga xoreeyaan dalka.

Madaxweynaha waxa uu hoosta ka xarriiqay in dowladdu bilaabi doonto guluf ka dhan ah kooxda nabad diidka ah ee Al-Shabaab, si dadka Soomaaliyeed looga xorreeyo, sidaas daraaadeed, waxa uu Galmudug ugu baaqay in ay hormuud ka noqoto qorshahaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay madaxda dowladda iyo dadka Galmudug in ay ka digtoonaadaan khilaafaadka, quluubtana isu furaan oo ay gacmaha is-qabsadaan si ay horumar buuxa uga hirgeliyaan deegaankooda, nolol wanaagsanna ugu abuuraan ubadkooda.

“Walaalihii iyo saaxiibadii ay wax ku soo kala gaareen waddadii la soo maray, waxaan leeyahay cayaarta wey soo dhammaatay, caadi iska dhiga. Haddii ay dadku dhihi jireen, bus-ku waa buuxaa, meel laga fuulo ma leh, tareen aan dhammaaneyn baa taagan, aan tareenka wada raacno, nabadda iyo aayahana aan aadno.”