WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Sacuudiga & ujeedka safarkiisa

By xuseen waashitoon

May 19, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saqdii dhexe ee xalay gaaray magaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Madaxweynaha ayaa Maanta oo jimco ah ka qeyb gali doona Meertada 32-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta oo lagu gorfeynayo qadiyadaha wadajirka ah ee ay wadaagaan dalalka Carabta iyo arrimaha Gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagi doona Boqorrada, Amiirrada iyo Madaxda dalalka Carabta xaaladda Soomaaliya, guulaha laga gaaray dowlad-dhiska, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xaqiijinta Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona wufuudda dowladaha Carbeed ee Shirka ka qeyb galaya, si ay u xoojiyaan doorka dalkeenna ee Gobolka iyo Dallada Carbeed.