WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Trump oo diiday in laga baadho cudurka Coronavirus kadib kulan dhexmaray xubno isaga shakiyey xanuunka-Video

By Abdi rashid

March 10, 2020

Muqdisho (HM)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa diiday in laga baadho cudurka Coronavirus ama la karantiilo, kaddib markii uu si lama filaan ah ula kulmay qof aan laga warqabin inuu qabay cudurkan.

Trump ayaa sheegay inuu caafimaadkiisu dhammeystiran yahay, loona baahneyn in la baaro ama la karantiilo, taasoo dad badan ka yaabisay.

Xubno ka tirsan xisbiga talada haya ee Jamhuuriga oo madaxweynaha kala qeyb galay shir dhacay Bishii lasoo dhaafay ayaa si iskood ah isu karantiilay, maadaama ay gacmaha ku salaameen qofka laga helay Coronavirus.

Siyaasiyiintan oo xubno ka ah Aqalka Wakiillada Mareykanka, sidoo kalena uu ku jiro Senator-ka gobolka Texas, Ted Cruz, ayaa doonaya inay xaqiijiyaan in cudurkan uu ku dhacay iyo in kale.

HALKAN KA DAAWO WARBIXIN

Haweeney ka tirsan xisbiga Dumuqraaddiga Mareykanka ayaa iyadana is karantiishay kaddib markii ay la kulantay qof qaba Coronavirus.

Mareykanka waxaa ilaa hadda laga soo sheegay in ka badan 700 oo kiisaska Corona ah, halka 26 ruuxna ay ilaa hadda u geeriyoodeen, iyadoo maalin kasta la diiwaan geliyo kiisas cusub oo cudurkan ah.

Hase ahaatee Madaxweyne Trump xanuunka uma arko wax saas usii wayn oo halis ah wuxuuna sheegay in xanuunku uusan ahayn sida loo buunbuuninayo.

Horufadhi.com