WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Saciid Deni oo gaaray Caluula & ujeedkiisa & Arrinta Imaaraadka

By xuseen waashitoon

February 15, 2023

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyay Degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu, halkaasi oo Madaxweynuhu ku tegay safar shaqo.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Caluula kusoo dhoweeyay, Xubno ka tirsan Goleyaasha, Maamulka Gobolka Gardafuu, kan Degmada Caluula iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Caluula.

Ujeedka socdaalkiisa ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira u kuurgelida xaaladda deegaanka ah iyo dhagax-dhigga mashaariic deegaanka ah, sida laga soo xigtay xubno ku dhow Madaxtooyada Puntland.

Wararka la helayo ayaa sidoo kale sheegaya in gacanka Gardafuu saldhig laga siinayo Dowladda Imaaraadka Carabta oo si weyn u danaynaya xeebaha dowlad Goboleedka Puntland.