Site icon HORUFADHI MEDIA |

Madaxweyne Qoorqoor oo shaaciyay Arrimo looga baahan Madaxda

Madaxweynaha Dowlada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo habka Foggaan aragga Ee Zoom-ka uga qaybgalay Shirkii 5aad ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka ayaa ka jeediyey khubad muhiim ah oo khuseysa dhinacyada Dib-u-heshiisiinta, Doorashada iyo Amniga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Madashani muhiimad gaar ah u leedahay ummadda Soomaaliyeed, isagoona ku booriyey dhammaan masuuliyiinta iney labanlaabaan dadaalka loogu jiro xoojinta midnimada, wadajirka, isku tashiga, isku tanaasulka umadda soomaaliyeed, si loo ilaaliyo mustaqbalka jiilka soo socda, dhidibadana loogu aaso dowlad waarta.

Waxaa uu sheegay Madaxweyaha Galmudug in loo baahan yahay in la fuliyo heshiiskii bishii November 2020 laga doorashada dalka, lagana shaqeyno doorashada taabagelinteeda, habsami u socodkeeda iyo hufnaanteeda intaba.

“Galmudug waxa ka go’an taabagelinta iyo hirgelinta heshiisyadii Dhuusamareeb (1,2.3) iyo dhameystirka heshiiska oo lagu qabtey magaalada Muqdisho. Waxaan aaminsanahay in natiijada siyaasad xasiloon ay ka dhalan karto, bulsho midaaysan, walaalo ah, gacmaha is heysto oo kuna dhaqma sharci iyo dastuur dameystiran” ayuu yir.

Ugu dambeyntii Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Galmudug ay diyaar utahay in ay qeyb mug leh ka qaadato dib u dhiska dalka, xasilinta siyaasadda, sugidda amniga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dalka.

Exit mobile version