WARARKA SOOMAALI

MW Qoorqoor oo Saraakiisha Galmudug kala hadlay guluf ka dhan ah Al-shabaab

By xuseen waashitoon

July 18, 2022

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa shir gudoomiyay shirka Golaha Amniga Maamulka Galmudug, kaas oo ka qabsoomay Aqalka Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.

Shirkan oo lagu lafa gurayay amniga deegaanada Galmudug ayaa daba socda safar dhawaan uu Madaxweynaha Galmudug ku tagay deegaanada furimaha ah iyo goobihii lagula dagaalamay argagixisada, kuwaas oo uu madaxweynaha kula soo kulmay shacabka iyo maamulka deegaanadaas.

Shirkan looga hadlayay amniga ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiiru amniga ahna kusimaha wasiirka amniga, labada gudoomiye ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud, saraakiisha ciidamada ATMIS, saraakiisha ciidamada Qalabka Sida ee deegaanada Galmudug iyo maamulka degmada Dhuusamarreeb.

Shirkan ayaa sidoo kale looga hadlay sidii loo dar dar galin lahaa sarana loogu qaadi lahaa amniga deegaanada iyo degmooyinka Galmudug, iyadoo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye uu warbixino iyo xogo amni ka dhageestay saraakiisha kala duwan ee ka soo qeyb galay shirka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku ammaanay saraakiisha iyo guud ahaan ciidanka, sida geesinimada leh ee ay uga hortagaan falalka kadhanka ah aminiga, sidoo kalana waxuu ku booriyay ciidamada xoojinta baacsiga har iyo habeen ay ku hayaan Al-shabaab.