WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ka hadlay Xildhibaanadii lagu dilay Jigjiga

By xuseen waashitoon

October 26, 2022

Madaxweynaha Maamulka Soomaali Galbeed Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa si kulul uga hadlay is rasaaseyntii ka dhacday Garoonka diyaaradaha Magaalada Jigjiga oo ay ku geeriyootay Xildhibaan Jaweeriya Subcis.

Madaxwrynaha ayaa qoraal uu soo saaray uga tacsiyadeeyay ehelladeeda iyo Asxaabteeda geerida Xildhibaanad Juweeriya, isaga oo sidoo kale xaqiijiyay in gacanta lagu hayo askarigii dilka gaystay isla markaana la marin doono ciqaabta uu mutaysto

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa intaas ku daray hadalkiisa in la sameeyey guddi qabanqaabiya aaska marxuumadda.

Mustafe Cagjar ayaa sheegay in hay’adaha Amnigu ay gacanta ku hayaan baarista dhacdadan oo sidoo kale ay ku dhaawacmeen saddex ruux oo kale.

“Ciidamada amaanka ee Deeganka ayaa gacanta ku haya Gacan-ku-dhiiglihii dilka gaystay, waxaana la marin doonaa ciqaabta uu mutaystay. Hay’adaha amniga ayaa wada baadhitaan ku saabsan sida iyo sababta wax u dhaceen taas oo shacabka lala wadaagi doono. Waxaa kale oo muhiim ah in laga arinsado sidii looga hor tagi lahaa in falal noocan ah ay dib u dhacaan inkasta oo wax kasta aan la baajin karin” ayuu yiri Madaxweyne Cagjar.