Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Laftagareen) ayaa sheegay inay ku guuleysteen xaqiijinta amniga inta badan degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose, maka laga reebo kuwa ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in Ciidamada Ammaanka ay sameeyen howlgallo kala duwan, tasina ay suurto gelisay in Ciidamada gacanta ku dhigaan degmooyinka Shabeellaha Hoose, balse kaliya ay u harsan yihiin degmooyinka Sablaale & Kuntuwaareey oo ay maamulaan Al-Shabaab.
Sidoo kale Madaxweyne laftaagreen ayaa sheegay in wadooyinka qaar ee Gobolka Shabeellaha Hoose aan la isaga kala gudbi Karin, wuxuuna Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose & kuxigeenkiisa ka dalbaday inay keenaan qorsho la isugu furaayo waddooyinka Gobolkaas.
Hadalkaan ayaa Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen) waxa uu sheegay xilli uu ka qeyb galay Munaasabad lagu dhaarinayay Maamulka Cusub ee Gobolka Shabeellaha Hoose.