WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Guudlaawe oo kulan la yeeshay wafdi ka socday Qaramada Midoobe

By xuseen waashitoon

July 05, 2022

Madaxweynaha maamul Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa  qaabilay ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho iyo Wafdi ay hoggaaminaysay.

Wafdiga Madaxweynaha uu qaabilay waxaa kamid ahaa Wakiilka hay’adda FAO, Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan Haweenka ‘ iyo Madaxa Xafiika Unsom ee Hirshabeelle.

Kulanka ayaa waxa uu ahaa is xog waraysi ku saabsan arrimaha bini’aadanimo, amni iyo arrimaha horumarineed ee deegaanada Maamulka Hirshabeelle.

Waxaa sidoo kale dhacay kulamo gaar gaar ah oo qaar kamid Madaxda Qaramada Midoobe la yeesheen Wasaaradaha ay shaqo wadaaga yihiin.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugala hadlay ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya sida looga jawaabi lahaa xaaladaha adag ee ka dhashay abaaraha baahsan ee sababay biyo la’aan, cunto la’aan’ barakac iyo dhimasho ku timid dadka iyo xoolaha.