WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

By xuseen waashitoon

December 28, 2022

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa Maanta soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Garoonka uga hortagay oo kusoo dhaweeyay dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdiga la socday, wuxuuna Madaxweynaha salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa magaalada Muqdisho u yimid in uu xarigga ka jaro  dhismaha xarunta Akadeemiyada Afka Soomaaliga ee AGA, xaruntan dhismaheeda waxaa horey u dhagax dhigay Madaxweyne Geelle.

Wadooyinka Muqdisho ayaa loo xiray imaanshaha Madaxweyne Geelle, Ciidamada ayaa gawaarida iyo mootooyinka u diiday inay maraan waddooyinka Muqdisho, isla markaana jidadka ku xiray dhagxaan iyo biro.