WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo War kasoo saaray weerarkii lagu le’day ee Muqdisho

By Xuseen Post

February 01, 2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah uga tacsiyeeyey geerida, Alle ha u naxariistee, Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa Saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka, waxa uuna xusay doorkii wanaagsanaa ee uu ka soo qaatay dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida oo uu ka soo qabtay xilal kala duwan.

 “Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaan Alle u weydiinayaa naxariistiisa Janno dhammaan muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkan Alshabaab ay ka fuliyeen Hotelka Afrik, waxaan si gaar ah ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa ruug-cadaaga Ciidanka Soomaaliyeed, door wanaagsanna ka soo qaatay tayeynta iyo dhismaha Ciidanka Qalabka Sida.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyey Muwaadiniinta dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkan in uu Eebbe u boogo dhayo, waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan Al-shabaab oo weerarkaas khasaaraha geystay ku qaaday Hotelka Afrik ee Magaalada Muqdisho.