WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay Dalka Qatar iyo Villa oo War soo saartay

By xuseen waashitoon

March 05, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhowayd safar shaqo oo labo maalmood qaadanaya ugu ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Dooxa ayaa waxaa ku wehlinaya Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo xubno kale oo kamid ah Madaxtooyada, kuwaasi oo ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo Amiirka Dowladda Qadar Tamim bin Hamad Al Thani ayaa halkaas ku yeelan doona wada hadallo lagu gorfaynayo xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo horumarinta iskaashiga ku qotoma is-ixtiraamka, wax wada qabsiga.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Amiirka dalka Qatar ayaa ka arrinsan doona horumarinta danaha qaran ee labada dowladood ee Soomaaliya iyo Qatar iyo labada shacab ee walaalaha ah.