WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo siyaasi caan ah u magacaabay la talihiisa dhanka doorashada-Akhriso

By Abdi rashid

July 30, 2020

Muqdisho (HM)-Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo u magacaabay la taliyihiisa arrimaha Doorashada iyo siyaasadda Cabdi Cali Raage.

Ilo katirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaana xaqiijiyay in Madaxweyne Farmaajo siyaasiga Cabdi Cali Raage u magacaabay la taliyihiisa arimaha doorasada iyo siyaasada xili la filayo in dalka doorasho ka dhacdo.

Siyaasigan  Farmaajo hada ka dhigay la taliyihiisa arimaha doorashada ayaa ah nin wax badan kala socda arimaha doorashada dalka, waxa uuna horey usoo noqday Gudoomiyihii guddiga doorashada Jubbaland xiligii la dooranayay Baarlamaanka federaalka.

Waxa uu sidoo kale Cabdi Cali Raage soo noqday la taliyaha arimaha siyaasada Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo markii dambe shaqada ka aryay kadib markii ay isku dhaceen uuna soo kala dhax galay khilaaf xoogan.

La taliyahan uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo aadaya xili mudo xileedka dowlada ka hadhsan yahay wax ka yar 6-bilood walina aan la aqoon nuuca doorasho ee dalka ka dhaceysa.

Horufadhi News