Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dadka muslimiinta ah, gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay fadliga Bishan barakeysan ee Ramadaan, isagoo shacabka soomaaliyeed kula dardaarmay in ay ka faa’iideystaan fadliga bishan, waxa uuna Alle ka baryey in uu naxariis iyo nimco ku manneysto dalkeenna iyo dadkeenna.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ku baraarujiyey in ay is caawiyaan oo garab istaaggaan walaalahooda danyarta ah, madaama cudurka safmarka ah ee COVID-19 uu saameyn taban ku yeeshay bulshadeenna oo duruufo adag la halgamayey.