Site icon HORUFADHI MEDIA |

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay sharciga Jihaynta Doorashooyinka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay afurkii kaddib saxiixay sharciga gaarka ah ee Jihaynta doorashooyinka heer Federaal oo Baarlamaanka Soomaaliya aqlabiyad ku ansixiyey shalay oo taariikhdu ahayd 12.04.2021.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BJFS ayaa shalay cod aqlabiyad ah waxaa ay ku meel mariyeen sharciga jiheynta doorashooyinka heer Federaal, kaasi oo ah doorasho qof iyo cod ah.

Sharcigaan gaarka ah ayaa waxaa uu yahay mid dib ugu soo celinaya gacanta Awooda shacabka Soomaaliyeed Doorashooyinka dalka ka dhacaya, kadib markii lagu heshiin waayay in la qabto doorasho dadban.

Madaxweynaha dowladda Federaalka SOomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u mahadceliyay Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga gaarka ah ee Jihaynta doorashooyinka heer Federaal oo Baarlamaanka Soomaaliya.

Exit mobile version