Waxaa Maanta lagu waddaa in Magaalada Gaalkacyo ay gaaraan Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo maalmihii lasoo dhaafay Booqasho ku maraayay degaanada Puntland.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Magaalada Gaalkacyo waxaa uga bilaaban doonta booqasho uu ku maraayo degmooyin ka tirsan maamulka Galmudug iyo qaybo badan oo kamid ah gobalka mudug.Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa hadda ku sugan Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Madaxweynaha ayaa lagu waddaa in uu ku yimaado safar dhulka ah Magaalada Gaalkacyo, waxaana uu la kulmi doonaa qeybaha kala duwan ee Bulshadda.
Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa intaas kadib waxaa ay usii gudbi doonaan gobalka Galgaduud qaybo kamid ah halkaas oo uu socdaalkii loogu mgac daray socdaalka nabada uu kusoo gaba gabeynh doono maalmaha soo socda.