Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta oo sabti ah kusii jeeda Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyada Jabuuti, isagoo ka ambabixi doona Magaalada Muqdisho.
Ujeedka socdaalka Madaxweynaha ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga qeyb geli lahaa Shir Madaxeedka Urur Gobaleedka IGAD oo looga hadlayo xaalada Gobolka Tigray oo dhowaan Ciidanka Milateriga Itoobiya dagaal kagala wareegeen Jabhadda TPLF.
Shirka IGAD ayaa waxaa sidoo kale looga hadli doonaa Dacwad ay Soomaaliya ka gudbisay Kenya iyo xiisadda Diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa labada dal, kaddib tallaabadii dhowaan dowladda Soomaaliya xiriirka ugu jartay Kenya.
Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdouk ayaa Axadii booqasho ku tagay Addis Ababa, waxaa uu sheegay in isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya isku raaceen shir degdeg ah oo looga hadlayo dhibaatada ka jirta Tigray.
Soomaaliya ayaa Dacwadeeda Kenya lagu dhageysan doonaan Shirka ,iyada oo la filayo in madaxda Urur Gobaleedka IGAD ay go’aan ka gaaraan xiisadda islamarkaana ay qaataan go’aano lagu xallinayo.