WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo lagu wado in uu la kulmo isimadda dhaqanka ee Qardho..

By Abdi rashid

January 11, 2018

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa gaaray magaalada Qardho ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa waxaa si dirran ugu soo dhaweeyey Qardho kumanaan shacab ah oo isugu soo baxay fagaarayaasha magaalada iyaga oo ruxaya calanka Jamhuuryadda Federaalka Soomaaliya.

Markii ugu horeysay, tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayay maraysaa leyrta ama hanfida dhulka baaxadda leh ee Soomaaliya.

Wuxuu marayaa dhulka qarfaha iyo buuraha ah ee caanka ku ah beeyada iyo xijiga ee Bari, dhul geedka uu aad ugu yaryahay balse lagu sheegay kaydka kheyraadka dabiiciga ah oo aanan wali lasoo faganin.

Xaalado ammaan dartood ayaa nin madaxweynaha ayaa horay ugu suurta galinin in uu socdaal xagga dhulka ku tago magaalooyinka dalka marka laga reebo Afgooye oo caasimadda u jirta 30km oo kaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C.llaahi Farmaajo ayaa maanta  la filayaa inuu la kulmo isimada iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Qardho ee Gobolka Bari.