WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay buuq & sawaxan hadal jeedintiisa Baarlamaanka-Video

By Abdi rashid

June 06, 2020

Muqdisho (HM)-Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamd C/llaahi Farmaajo oo ka qeyb galaya furitaanka Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Labada aqal ee dalka ayaa la kulmay qeylo iyo sawaxan, oo lagala hortagay hadal jeedintiisa kalfadhiga maanta.

Madaxweynaha ayaa markii uu bilaabay khudbada iyo salaanta ayaa waxaa ku bilowday buuq iyo oorin ay kala hor-tageen Xildhibaano ku kacsan, kuwaasoo qaarkood yeedhinayey firimbi.

Sidoo kale Xildhibaanada kale ayaa xusuusiyay Madaxweynaha inuu waqtigiisa dhamaad yahay, waxaana ay u muuqataa in khudbada Madaxweynaha carqaladeeyay, muddo 10 daqiiqo ayaa sawaxan iyo buuq uu ka dhex socdaa gudaha Xarunta Villa Hargeysa.

Sharci-dejiyeyaasha carqaladeeyay khudbadda Madaxweyne Farmaajo oo dhowr xubnood ahaa ayaa ku luuqeeyay Heesta Wadaniga ah ee ay erayadeedu kamid yihiin “Soomaaliyey toosoo, toosoo isku tiirsadayee”.

Daqiiqado jahwareer ah kadib, guddoonka wuxuu ku guuleystay in uu dejiyo xaaladda. Hab-dhowrayaasha ayaa door ka cayaaray in ay fadhigooda ku celiyeen mudaneyaasha ku ooriyey madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo oo dib u bilaabay hadal-jeedinta markii buuqa uu istaagay ayaa yidhi “laba Xildhibaan ayaa maanta afduubay 360 Xildhibaan”. Wuxuu u muuqday mid weerar afka ah ku qaaday xubnaha ku ooriyey Khudbadiisa dastuuriga ah.

HALKAN KA DAAWO LIVE

Furitaanka madaxweynaha ee kalfadhiga baarlamaanka ayaa ah mid dastuuri ah, waxaana uu kaga hadlayaa xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha masiiriga ah ee shacabka u baahan yihiin in loo sharaxo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ah markii u horeysay oo uu cadaadis toos ah kala kulmo Baarlamaanka, tan iyo intii loo doortay xilka, waxaana khudbadiisa maanta ee Kalfadhiga 7aad ku wareegsan xaalado kala duwan oo ay dad badan ka dhursugayaan, maadaama muddo xilleedka Baarlamaanka uu dhamaad yahay.

Horufadhi News.

Sawirka Maanta Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo