Site icon HORUFADHI MEDIA |

Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan dalka Jabuuti, xili xaalad qasan ay jirto…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin dalka Jabuuti.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalkaas uga galayo shir Madaxeedka Urrur Goboleedka IGAD oo looga hadlayo xaalada Gobolka Tigray oo dhowaan Ciidanka Milateriga Itoobiya dagaal kagala wareegeen Jabhadda TPLF.

Sidoo kale inta uu socdo Shirka IGAD ayaa waxaa looga hadli doonaa ashtako ay  Soomaaliya ka gudbisay Kenya iyo xiisada diblomaasiyiinta ee u dhaxeysa labada dal, kaddib tallaabadii dhowaan dowladda Soomaaliya xiriirka ugu jartay Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdouk ayaa Axadii booqasho ku tagay Magaalada Addis Ababa, waxaa uu sheegay in isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya isku raaceen shir Degdeg ah oo looga hadlayo dhibaatada ka jirta Tigray.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee dalka Jabuuti ayaa kusoo aadaya, iyadoo xaalad kacsanaan ah ay ka jirto Magaalada Muqdisho, kadib markii shalay ay Ciidamo hareereeyen Xarumaha qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha.

Exit mobile version