WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aal ku saabsan Gobolada SSC-Video

By Abdi rashid

September 26, 2020

Muqdisho ( HM ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si toos ah uga qayab galay madal cilmiyeed ay soo qaban-qaabiyeen Mac-hadka RAAS Institute, taas oo si toos ah ay bulshada Soomaaliyeed su’aalo furan u waydiinayaan Madaxwayanaha.

Madaxwayne Farmaajo oo ka hadlaya Arinta Somaliland ayaa yidhi.

“Anigu waxaan diyaar u ahay in aan kursigeyga ku beddesho Midnimada Soomaaliya iyo wada-hadallada Somaliland.”.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Midnimada Soomaaliya waa muqadas, 30 sano ayey marayaan Somaliland, meelkastana Madaxdooda waa u mareen mana helin aqoonsi, ma jirto cid gobol iyo inyar aqoonsanaysaa, mana jirto cid dawlado kala goynaysaa Africa oo dhan, Markaa Somaliland cidna inaga jari mayso….” ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale Gabadh ayaa Waydiisay Madaxwaynaha Caawa waydiisay Sool Sanaag iyo Cayn maxaa qoondo ahaan raaciyey Somaliland Doorasho ahaana Puntland maxaa Labada Meelood ee Doorashada Meel looga dhigi waawayey Sool ama Sanaag?

Madaxwaynuhu wuxuu dhahay Su’aashaadu way adagtahay oo kama jawaabi karo Raali ayaad iga ahaanaysaa.

Horufadhi News